Mozilla/5.0 (compatible; Google-Site-Verification/1.0) AKHRISTE Haashi: QABIILKU SAA KUMA DABAR GO'O Mozilla/5.0 (compatible; Google-Site-Verification/1.0)

Sunday, 14 January 2018

QABIILKU SAA KUMA DABAR GO'O


kuma dabar go'o in qofkii soo hadal qaadaba shaabad korka lagaga dhifto
kuma dabar go'o hadal hayntiisa oo layareeyo iyadoo uurku wax kajiraan
kuma dabar go'o cayda ama wax kasheegitaanka odoyaasha qabiilka
kuma dabar go'o wax kasheegitaanka qabiilada maamulada leh oo wax kutacadiya
kuma dabar go'o cadaalad aanu samayno oo xilalka tooko tooko haloo qabto
kuma dabar go'o aanu raali gallino qabiilkii wax tabanayaba
kuma dabar go'o aan is walaalaysano oo intii isku reeraba aanu meel xijino oo maamul aanu usameeno
kuma dabar go'o ududida qabiilkaaga ama qabiilkaba
kuma dabar go'o iska fogaynta ama nacaybka qabyaaladiistaha ama dadka u ololeeya
kuma dabar go'o kadhexbaxa qabiilkaaga ama in aad gooni goosad noqoto si aad oga bad baado qabyaalada qabiilka sababta oo aah waa aaminaad aad u jirrid wayn oo shaqsi ama labo kabixitaankooda uuna saamayn yeelaneen aayar baa adiga lagaasaaraya qabiilka ama lagga shaqaaqenayaa si aad usoolaabatid.
midna waa muhiim in aad maskaxda kuhayso qabiilku waa caymiska(insurance) kaliye ee aad haysato, oo magti buu kulabixin, shaqadii baa lagayaaba in uu kugeeyo, marka iskudayga kadhexbixitaankoodu waa tilaabo culus siiba markaad ladahantahay oo aad iskumeel joogtaan
kuma dabar go'o aanu is ilowsiino oo soomali weyn aanu oga harno, wadaadkii faroole ahaa ayaa yiri"Adoo soomaaliya kana sii ah puntland maxaa jiffi hoose iyo waxaas ku falaysa", waxaan leeyahy taasi shaqayn mayso marka aad tiraahdid puntland aan oga harno jaa waxaad dhexfadhisaa qabiilkii oo halkaa baaba mool ah oo kuliqaysa inkastoo ay dhaanta jiffi jiffida uu sheegayo oo taasi aytahay bad weyn kudajinaysa
kuma dabar go'o Haddaanu cadow shisheeye heli lahayn saan waan dhaami lahayn. dadka qaar baa aaminsan haddaan cadow shisheeye nagu soo duuli lahaa waanu israaci lahayn oo halmeel baa looga soo jeesan lahaa, haye oo markii cadowgaasi dhamaadana!! inaga dhexdeena bay kabilaaban haddana, teede kale cadowga soomali uharray yaa weyaan in nalla roggo baa hartay un
kuma dabar go'o jiilka danbe aanu sugno oo iyagga aanu oggadigno, oo haddaad adiga hadda qooshayso oo aadan waxba hagaajinayn jiilka danbe maxay kaaga duwanaan, qodobkan waa meelaha aan layaabo buu kamidyahy isagii baa dhex fadhiya kuwa danbe allaha kamadoobayyo buu kuleeyahy ar ma waxyi ahaan buu uggu soo deggi!!
kuma dabar go'o qabiilada hubka haysta hubka hallaga soo arruuriyo, waa sax way dhici kartaa lakiin isbadel weyn samayn mayso, yaa kahub baddan shacabka mareekan!!
kuma dabar go'o qabiiladii laliidayay hala faaniyo, midbaad arki oo kuleh inna hebel waxa uu kadhashay qabiil aad u wanaagsan oo lakiin soomalidu takoorto, war duffe wanaagaad sheegayso waxba utarri maaye wanaagna ku waysdiisn maaye xagga korre wax halaga badallo, oo hadaad dhaqaalle udiideen oo dowladii kasaarteen oo kii iskii uganacsada oo kasoobaxa aad kasaartaan oo aad iskutirisaan wanaagga aad shegayso muxuu yahay wll!!
Haddaba siddee ayuu ku dabar go'i
xargaha qabyaallada ama qabiilka kulligood hal gunti bay isugu imaan oo kaas haddii lafurro gabbi ahaanba wixii sooharray ay iskood isaga furmayaan.
oo maxay tahay??

Dowladda iyo qabiilka halakalla saaro(cilmaaniyad qabiil)

dowlada iyo qabiilka haddii lakalla saaro qabiilku micno yeelan maayo oo abtirsi un dhaafi maayo, haddii oday dhaqameedkii howshii uu qabiilka dhan uhayay oo oday dhaqameedba loo oron jirray lagga saaro meesha oo ahayd in uu xilbaanada soo doorto taas micneheedu tahay dowladaba isagaa gacanta kuhaya, wasiirki amarkiisa diida ama qabiilka wax tarri waayay aayar baa meesha laga tuuraya oo mid ballaayo qaba ah oo qabiilka qarameeya oo agaasimayaasha kusafa oo hubka qabiilka ugada baa meesha lakeeni!!!
marka oday dhaqameedku waa laf dhabarta qabiilka isagga in aad qab qabsato maahan kalliya awoodiisa in la wiiqo weyaan oo #one_man_one_vote lagga dhigo weyaan.
iskaddaa madaxweynaha e xillibaanada xataa heer degmo in laga soo doorto weyaan oo shacabka uu matallayo ee degmadaas in ay soo doorto, xillibaanka hadeer degmo ma matallo ee qabiil buu matallaa marka in uu qabiilkaas meesha keenay in uu u olaleeya waa gar!!
Guntii iyo gunnaanadkii waxa weyaan CILMAANIYAD QABIIL halla innakahello tii diintaba kuwaa u ollaleeye, oo Qabiilka iyo Dowladda halla kallasaaro.
wabillaahi towfiiq
Abdirahman Haashi

No comments:

Post a Comment

">

LAAS GEEL

Kumanaan sano kahor, bili aadankii horre(Neolithic age), waxay farshaxankooda kumuujin jirreen gidaarada dhagxaanta kasamaysan, farshaxa...