Mozilla/5.0 (compatible; Google-Site-Verification/1.0) AKHRISTE Haashi: January 2018 Mozilla/5.0 (compatible; Google-Site-Verification/1.0)

Wednesday, 17 January 2018

LAAS GEEL


Kumanaan sano kahor, bili aadankii horre(Neolithic age), waxay farshaxankooda kumuujin jirreen gidaarada dhagxaanta kasamaysan, farshaxaankaas waxa uu sugu jirray sawirro kutusaya xayawaanno, xayawaanadaas oo ay ugu caansanayeen lo'da ayda iyo kuwa kalle waxayna baddanaa kuxirantahay goobtaas xayawaanada lagu dhaqan jirray iyo xaywaanadii ugu gu'a weynaa sida xayawaanka eyga oo kalle.
Laas geel waxay kamid tahay goobaha  ugu caansan oo farshaxanadaas(cave painting) ee kuyaalla africa waxaana lagu qiyaasaa in ay cimrigeedu(Archeological dating) le'egyahay  5,000 oo sano.
laas geel waxaad kaga dheehan kartaa taariikho oo caalamku hadda yaqaano iyo taariikhda siyaasadeed ee meesha dagaaladii kadhici jirray meesha ay kamid tahy, cimilada iyo waxyaabo kalle oo baddan. waxyaabaha cajiibka leh ay Laas geel caanka kutahay waxaa kamid ah sidda quruxda baddan ay sawiradeedu isku baddalin iyo midabadii loo adeegsaday sawirada.

Magaca Laas Geel micnihiisu waa "Rugta geela laga waraabiyo" waa dhagax ama buur aad uwayn oo kuyaala ama xigga 55km dhinaca waqooyi ee hargaysa buuraha Naaso Hablood.
waa meel aad dalxiis loogu yimaado masuulna ay katahay wasaarada dalxiiska ee somaliland,
waxaana raadadka kucad in ay marijirreen labbo wabi oo guray sida magaca meesha iyo raadadkaba kucad oo meel geel iyo xoolaba laga waraabsado ay aheed.

                                       Sawirro kutusaya lo', laas geeel

Taariikhdu markii ay ahyd Nov-Dec 2002 ayaa koox francis ahi sameesay Archaeological survey kaas oo ay kuraadinayaan dhismayaashi horre iyo taarikhahooda, Dec-4 ayaa archaeologist-hii farancis-ka ahaa Xavier Gutherz oo ka socday paul university iyo kooxdiisa waxa ay heleen Laas geel oo ahyd buur ka kooban ilaa 10 dhagax oo farshaxanno kuyaalaan.
markii ay ahyd Nov-2003 ayeey kooxdii soo noqdeen si ay usameeyaan cilmi baaris dheeraad ah taas oo isugu jirtay baaritaano kusaabsan inta ay le'ekaan karto iyo micnaha taariikhda kadanbeesa sawiradaas

                                              Afeefta horre ee Laas geel 

Tan kusaabsan inta ay jirri karraan dhagxaanta laas geel, waxaa dhib kataaganyahy dating-ka(qaababka lagu ogaada inta ay jirri karaan wax yaabaha tariikhiga ah) buurta, sababta oo ah da'da buurta Laas geel guud ahaan waxa ay kusaleesantahy qayb yar oo iyada kamid ah taas oo lagu qiyaasay in ay jirto 3500-2500BC, qaybo kamid ah dhagxaanta buurtana lagama helin wax "Ceramic fragments"-ah  sida qeybta 7aad(shelter 7). wax yar ayaa lagayqaana xadaaradihii xiligaas iyo qaab rinjiyeedka ay isticmaaleen maadama uu ilaa hada uusan baabi'in, sidaa darteed culimadii markaa baaraysay waxa ay kuqiyaaseen in ay jirri karto inta u dhaxeesa 5,000 ilaa 11,000 oo sanno kahor.

Guud ahaan buurtu waxa ay ka koobantahy 20 dhagax ama block, kuwaas oo ah dhagxaanta iskood usameesma(Naturally occuring rocks) oo kooda ugu weyn gaarayo 10m-dherer ahaan iyo 5m-ballac ahaan.
 Qaybta 1aad (shelter-1) waa kan ugu muhiimsan dhagxaanta Laas geel sameeskiisa iyo farshaxanka uu xambaarsanyahy. Cabirkiisu waxa gaaraya 172m2(area-ahaan) isagoo kuwada xardhan farshaxan aad uqorxuun oo soojiidanaya indhaha qofka.

                                           qayb kamid ah dhagxaanta laas geel 

Waxaa lagu qiyaasaa in gaarayaan farshaxanka ama sawirrada laas geel 350 farshaxan oo isugu jirra farshaxanno kutusaya bili'aadan, xaywaano sida eeyda, shebeelka, lo'da iyo calaamdo kalle oo baddan balse aan micneheeda lagaran.
Dhagxaanta qaar baa daryeel wanagan kamuuqdaa qaarna waa duugoobeen sababo laxiriira dhagaxaanta oo burburay iyo isbedelka cimileed.
sawirrada qaar waxa ay ku xardhanyihiin midabada casaanka, qaxwaha, orange-ga, iyo caddaan, farshaxanku waxa uu aad u muujinayaa sawirro xayawaan sida, gariga, dhurwaaga, deerada iyo kuwakale oo aan la aqoonsan

                                        sawir kutusaya Sac, sacaan waxa uu leeyahy dhabar toosan                                                                      madax iyo geeso cajiiib ah

Xayawaanka ugu baddan ee meesha ku sawiran waa sac, saccaas oo noocyo baddan leh sida hadda midka kor kuxusan oo dhabarka toosan leh kuruska aan lahayn iyo kuwo surkooda iyo geesahooda ay aad isugu dhowyihiin una eg tuubo oo kalle,waxaana laga yaaba in loola jeeday laf dhabarta xayawaankaas.



Umad taariikdeeda markii la eegayo ama labaarayo waxa laga tixraaca xadaaradahooda kuwaas oo isugu jirra dhismayaashii ay dhisan jirreen qalabka ay isticmaali jirren si ay udhisaan dhismayaasha, farshaxankooda, taas oo laga macneesan karro umadda halkaa daganeed asal ahaan yeey ahyd, xadaaradooda intii ayey gaarsiisaneed, maamulkooda iyo siyaasadooda. Hada sawirada laas geel waxa lagahelaya meesha uu gelli jirray qofkii maaamulaya dadkii halkaas kunoola, godkaas oo ah mid aad u farshaxaneesan laguna sawirray midibka cas sawirro aad uqutxoon, halkaas waxaa kacad dadkii meeshaa kunoolaa in ay lahaayeen maamul iyo kalla danbeyn.

Maamulka somaliland xil buu iska saaray kawarqabka laas geel maadaba ay indho baddan soojiidatay wallow aan kharashkii lagoo talagaallay aan lagallin, sawirada qaar way sii dhamaanayaan dabeel iyo cimilada awgood.
waxaan maamulka somaliland aad ugu bogaadinayaa in ay dayactarka meesha ay aad oga qayb qaataan oo aanay noqon meel lacag dalxiisayaasha looga cuno!!


Xogta&Sawirada
Ncient Origins: http://www.ancient-origins.net/ancient-places-africa/laas-geel-complex-and-magnificent-ancient-rock-art-somalia-003174/page/0/1

Tixraac

Morris, Harvey. "Postcard from... Laas Geel." The Independent. August 23, 2014. http://www.independent.co.uk/news/world/postcard-from-laas-geel-9686871.html
Richardin, Pascale. "The Decorated Shelters of Laas Geel and the Rock Art of Somaliland." The Decorated Shelters of Laas Geel and the Rock Art of Somaliland. https://www.academia.edu/1471836/The_decorated_shelters_of_Laas_Geel_and_the_rock_art_of_Somaliland
"Pristine Examples of Neolithic Rock Art." CyArk. http://www.cyark.org/projects/rock-art-sites-of-somaliland/in-depth
B, Andy. "Laas Gaal." The Megalithic Portal. March 11, 2011. http://www.megalithic.co.uk/article.php?sid=29211
"A Guided Tour of Laas Gaal's Mysterious Neolithic Rock Art." The Observers. August 2, 2013. http://observers.france24.com/content/20130208-tour-laas-gaal-rock-art-somaliland
Hasan, Yusuf. "Somaliland: Oh Laas Geel! Laas Geel! What Has Thy Done to Thee?" Somaliland: Oh Laas Geel! Laas Geel! What Has Thy Done to Thee? http://www.somalilandsun.com/index.php/in-depth/1747-somaliland-oh-laas-geel-laas-geel-what-has-thy-done-to-thee



W/Q Abdirahman M. Haashi 

Sunday, 14 January 2018

QABIILKU SAA KUMA DABAR GO'O


kuma dabar go'o in qofkii soo hadal qaadaba shaabad korka lagaga dhifto
kuma dabar go'o hadal hayntiisa oo layareeyo iyadoo uurku wax kajiraan
kuma dabar go'o cayda ama wax kasheegitaanka odoyaasha qabiilka
kuma dabar go'o wax kasheegitaanka qabiilada maamulada leh oo wax kutacadiya
kuma dabar go'o cadaalad aanu samayno oo xilalka tooko tooko haloo qabto
kuma dabar go'o aanu raali gallino qabiilkii wax tabanayaba
kuma dabar go'o aan is walaalaysano oo intii isku reeraba aanu meel xijino oo maamul aanu usameeno
kuma dabar go'o ududida qabiilkaaga ama qabiilkaba
kuma dabar go'o iska fogaynta ama nacaybka qabyaaladiistaha ama dadka u ololeeya
kuma dabar go'o kadhexbaxa qabiilkaaga ama in aad gooni goosad noqoto si aad oga bad baado qabyaalada qabiilka sababta oo aah waa aaminaad aad u jirrid wayn oo shaqsi ama labo kabixitaankooda uuna saamayn yeelaneen aayar baa adiga lagaasaaraya qabiilka ama lagga shaqaaqenayaa si aad usoolaabatid.
midna waa muhiim in aad maskaxda kuhayso qabiilku waa caymiska(insurance) kaliye ee aad haysato, oo magti buu kulabixin, shaqadii baa lagayaaba in uu kugeeyo, marka iskudayga kadhexbixitaankoodu waa tilaabo culus siiba markaad ladahantahay oo aad iskumeel joogtaan
kuma dabar go'o aanu is ilowsiino oo soomali weyn aanu oga harno, wadaadkii faroole ahaa ayaa yiri"Adoo soomaaliya kana sii ah puntland maxaa jiffi hoose iyo waxaas ku falaysa", waxaan leeyahy taasi shaqayn mayso marka aad tiraahdid puntland aan oga harno jaa waxaad dhexfadhisaa qabiilkii oo halkaa baaba mool ah oo kuliqaysa inkastoo ay dhaanta jiffi jiffida uu sheegayo oo taasi aytahay bad weyn kudajinaysa
kuma dabar go'o Haddaanu cadow shisheeye heli lahayn saan waan dhaami lahayn. dadka qaar baa aaminsan haddaan cadow shisheeye nagu soo duuli lahaa waanu israaci lahayn oo halmeel baa looga soo jeesan lahaa, haye oo markii cadowgaasi dhamaadana!! inaga dhexdeena bay kabilaaban haddana, teede kale cadowga soomali uharray yaa weyaan in nalla roggo baa hartay un
kuma dabar go'o jiilka danbe aanu sugno oo iyagga aanu oggadigno, oo haddaad adiga hadda qooshayso oo aadan waxba hagaajinayn jiilka danbe maxay kaaga duwanaan, qodobkan waa meelaha aan layaabo buu kamidyahy isagii baa dhex fadhiya kuwa danbe allaha kamadoobayyo buu kuleeyahy ar ma waxyi ahaan buu uggu soo deggi!!
kuma dabar go'o qabiilada hubka haysta hubka hallaga soo arruuriyo, waa sax way dhici kartaa lakiin isbadel weyn samayn mayso, yaa kahub baddan shacabka mareekan!!
kuma dabar go'o qabiiladii laliidayay hala faaniyo, midbaad arki oo kuleh inna hebel waxa uu kadhashay qabiil aad u wanaagsan oo lakiin soomalidu takoorto, war duffe wanaagaad sheegayso waxba utarri maaye wanaagna ku waysdiisn maaye xagga korre wax halaga badallo, oo hadaad dhaqaalle udiideen oo dowladii kasaarteen oo kii iskii uganacsada oo kasoobaxa aad kasaartaan oo aad iskutirisaan wanaagga aad shegayso muxuu yahay wll!!
Haddaba siddee ayuu ku dabar go'i
xargaha qabyaallada ama qabiilka kulligood hal gunti bay isugu imaan oo kaas haddii lafurro gabbi ahaanba wixii sooharray ay iskood isaga furmayaan.
oo maxay tahay??

Dowladda iyo qabiilka halakalla saaro(cilmaaniyad qabiil)

dowlada iyo qabiilka haddii lakalla saaro qabiilku micno yeelan maayo oo abtirsi un dhaafi maayo, haddii oday dhaqameedkii howshii uu qabiilka dhan uhayay oo oday dhaqameedba loo oron jirray lagga saaro meesha oo ahayd in uu xilbaanada soo doorto taas micneheedu tahay dowladaba isagaa gacanta kuhaya, wasiirki amarkiisa diida ama qabiilka wax tarri waayay aayar baa meesha laga tuuraya oo mid ballaayo qaba ah oo qabiilka qarameeya oo agaasimayaasha kusafa oo hubka qabiilka ugada baa meesha lakeeni!!!
marka oday dhaqameedku waa laf dhabarta qabiilka isagga in aad qab qabsato maahan kalliya awoodiisa in la wiiqo weyaan oo #one_man_one_vote lagga dhigo weyaan.
iskaddaa madaxweynaha e xillibaanada xataa heer degmo in laga soo doorto weyaan oo shacabka uu matallayo ee degmadaas in ay soo doorto, xillibaanka hadeer degmo ma matallo ee qabiil buu matallaa marka in uu qabiilkaas meesha keenay in uu u olaleeya waa gar!!
Guntii iyo gunnaanadkii waxa weyaan CILMAANIYAD QABIIL halla innakahello tii diintaba kuwaa u ollaleeye, oo Qabiilka iyo Dowladda halla kallasaaro.
wabillaahi towfiiq
Abdirahman Haashi
">

LAAS GEEL

Kumanaan sano kahor, bili aadankii horre(Neolithic age), waxay farshaxankooda kumuujin jirreen gidaarada dhagxaanta kasamaysan, farshaxa...