Mozilla/5.0 (compatible; Google-Site-Verification/1.0) AKHRISTE Haashi: July 2017 Mozilla/5.0 (compatible; Google-Site-Verification/1.0)

Sunday, 16 July 2017

BUUGTII AAN AKHRIYAY SANADII HORE 2016(REVIEW OF BOOKS)

Bismilah...

    "Some books are to be tasted, others to be swallowed, and some few to be chewed and digested: that is, some books are to be read only in parts, others to be read, but not curiously, and some few to be read wholly, and with diligence and attention."
                              by:sir francis baco

oraahda kor kuxusan waxaa yiraahday qoraaga caanka ah ee farncis baco, hadaan soomaaliyeeyo oraahdu waxay leedhay sidatan "buugta qaar waa in la dhadhansado, qaarna waa in laliqo, qaar waa in lacalaliyo,qaarna waa in laashiido,sidaaas weyan,buugta qaar waa in aad qayb ka akhrisa,qaar waa in aad dulmarta oo aadan iskudhibin, qaarna waaa in kuli la akhriya adoo aad ugufiirsanaya"

oraahda micnehuudu waxa weyaan, buugba suuyahy baa looladhaqma, buugbaa waxay kaagabaahanyihiin in aad kormarto kaliya oo ubaaahnayn in aad saa u sidhexgasho kormar kaliya ubaahan, buugna waa in aad dhadhansata, yacni waa in aad dhuuxa fahanta oo aadan orad kumarin buugtaas oo kale waa in aad sidaganaan ku akhrisid oo kucelcelisid si aad lafaha u fahntid,
buugta qaarna waa in aad akhrisaa laakiin si dabcanaan kujirto oo aaadan iskudhibin dulmaris kaliya kudhaafta.

muhiimadu waxa weyaan in aad kalasaarikartid buugu ubaahna in ladhuuxo,kan ubaahn in ladulmaro,
iyo kan aadan ubaahneenba in aad akhriso
taasna waxay ubaahnathay xoogayar oo khibrad ah iyo in aad taqaanid buugta kuxiisagaliya iyo buugta ku faa'idaynkara oo wax kugukordhinkara 

  akhrisku waa shay muhiim ah noloshayada, badanaa hadaan nahay soomaali waxaa lankuxanta in aanu waxba akhrin,anigu rayigaa waan kasoohorjeeda awal way dhici jirtay laakiin hada waxaad umaleesa in ay sii dhamanayso oo dadku ay bilaanbeen in ay wax akhriyaan gataana buugta..

akhriska waan jeclahay inkastoo aanu jaanis uhelin dad badan baa hadalkaa marmarsiyo kadhigta markii lawaydiiyo maxa wax u akhrinwayday ama intee buug akhrisay, laakiin hadal sax ah maahan sababta oo ah waxaad haysataa 24hrs ahow arday ama qof shaqeeya, waxaa kugu filan kaliya 1saac ama 2bo,hadaaad iskudaydidna waa helaysa insha allah.

hadaan ugudagalo iwaanka maanta oo ah buugtii aan akhriyay sandii hore 2016 anoo mid mid oga faalonaya waxay ay kusaabsanyihin faa iidooyinkooda iyo sida aad nolaashada ugu apply gareen lahayd 

1.Think and grow rich by napolean hill

Buugaan waxaa loqoray sandu markay ahyd 1937 waxaana qoray qoraaaga caanka ah napoleon hill, ilaahada buugan aad baa lo akhriya iyadoo intaas oo sano kahor loqaray, waxaana uu kamid yahy buugta ay entrepreneurs ku ay aad u jecelyihiin wuxuun kahadlaya sida aad u rumeen lahayd waxaa aad jeceshahy in aad sameeso ama waxa aad jecehshay in aad noqoto 
buuga bilowgiisa waxa uu kusheegaya in jiraan sir,sirtaas oo kaadhigayso qof yacnii guul gaaray 
waxaaa aadka ii cajabiyay waxa weyaan sirta buuga kuqoran waa in aad adigu soo saarta cidna kuusheegimayso 

hadaan akhriyay buugu aad buu ii cajabiyay meelaha uu buugan taabanayo waxaa kamid ah,

a. kalsooni-chapterka sadexaad waxa uu oga hadlaya sida ay muhiim utahay qofku in uu ku kalsonaadi waxa uu sameenayo, dadka qaar baa shakiya war waxaan amay socon waayaan marka qoraagu waxa uu aad u adkeenaya in kalsoonidu muhiim tahy 

b.Hal abuur-dadka caqliga badan waxay leeyhiin creativity hal abuur, waxa uu buugu kuushgaya in aad diirada saartid meesha aad ku fiicantahy oo aad hal abuur iyo miro dhal ka keentid 

c.Tashkiilad fiican(plan)- buugu waxa kale uu ka hadlaya qofku in uu leeyahy plan dagan, tilaabo kasto uu qaadayo kuli waa in uu horay usii ogyahay 
dadka qaar baa fikradii haya balse waxaa kamaqan tashkiiladii ay ku fulin lahayeen

d.Go'aan- go'aan cad in aad leedahy waa muhiim kalaba labeenta meshaan way kabaxaysa, waa in aad leedahay consistancy, caqabadu way kusoowaajahayan lakiinse waa in aad leedahay go'aan adag oo ah wax walba ay kuuqaadato waad sameen oo waana gaari hadafkaaga

e.Mastermind(guruubsi)-dadka hormarka gaaray caalamka waxay leeyhiin guruub guruub, somalidu waxay tiraahda "shimbirba shimbirkiisa buu laduula" marka waxaa muhiim ah in aad haysato dad waxa aad qabanayso xirfad iyo aqoon u leh oo hadhowti kaa caawinaya hadaad wax ubaahato

2.How to win friends and influence peaple:by Dale carnegie-

Buugaan waxa uu kahadlaya guud ahaan saad ku kasbanlahayd asxaab iyo sida aad dadka udhiirigalin lahayd, buugan waxa uu aad u anfacaya dadka ubaahan customers ganacsadayaasha iyo dadka caadigaaba

Buugaan dadka uu saa'idka unfacay oo hada magacyo aduunka kuleh waxaa kamid ah

Warren buffet-warren buffet waxa uu kamid yahy 10qof ee aduunka ugu taajirsan waa qofka 3aad,
waxa uu kasoobilaabay warren eber isago news papers ka qeebiya
marka uu 15sanojir ahaa ayuu helay buugan copygiisa waxaan uu kehelay ayeeydii,
waxa uu warren iskudayay in uu raaca talaaboyinka uu dale kuqoray buuga waxaan ay igadhigeen qof aad loojecelyahy buu yiri warren.

waxyaabaha buugaan aad kafa'iidi karto waxaa kamid ah:

a.iska ilaali cayda,eedaynta,wax kasheega-"Any fool can criticize, condemn, and complain - and most fools do,But it takes character and self-control to be understanding and forgiving."
carbegie waxa buugan kuxusaya in "waxkasheegu"
 yahay arimaha keena burburka iyo iskudurka, waxaa aad xoogu usaaraya in aad iska ilaalisid eedaynta, cayda iyo IWM

b.Amaan dadka Guulahooda-"Be lavish with praise, but only in a genuine way"
waa in aad amaanta dadka guulahooda,maasha allahdu waa muhiim, laakin waa in aad si xirfadeesan oo caqliyeesan wax kuwadaa

c.Furfurnan-"the only way on earth to influence other people is to talk about what they want and show them how to get it"
sida kaliya oo dadka kudhiirigalinkartid waxa weyaan in aad usheegta ama tusto waxa ay buuhanyihiin islamrkaana aad tusto sida ay kuhelilahaayeen

d.Dhirigalin- markasto qofku aad lataliso aadna tusto dhibaatada haysta in aysan waxba ahyn oo u si fudud ogabixikaro kalsoonidiisa buu kusiiin, in aad dadka waaniso dhiirigalso waxa aad kudhaanto waa shay muhiim ah oo kuusahlikara in aad asxaab badan sameesato

e. ha iskudayin in aad badiso dood/wadahadal(argument)- Hadaad xata qofka aad wax usku haystaan ama aad ladoodaysid aad kabadisid waxba kuusokordhinmayso
walihgaana iska ilaali qof aad rabtid in aad qanciso in aad ladoodo

3.Biography:software king bill gates

buugaan waxa uu kahadlaya taariikhda bill gates, caqbadaha uu soomaray iyo qaabka uu kudhisay microsoft kuna noqday ninka aduunka ugu taajirsan

caqabaha ugu waawayn uu soomaray bill gates waxa kamid ahaa "computer la'aan" xiligii bill gates computerka aad buu uyara magalaada dhan waxaa yaalay dhowr computer oo ay leeyhiin company computeraadka hagaajiya

Bill jaamcadiisi waa uu kaharay waxa uu dhigin jiray"law from havard universty" waxaa uu xooga saaray programming ka in uuu barto isaga iyo group saaxibadiis ah,waxa ay aadin jireen companigaas ee kumbuyutaraadka si ay u u bartaan programmingka ugu practice gareeyaan

bill xata waxa uu sameeyay software xisaabinya lacag gaaraysa ilaa 20,000$, wagaas calculator majirin, softwarekaas ma uu gadin ee waxa uu kubadashay in loo ogolaada in uu kumbuyutarka ku practice gareeyo, halkaas waxa aad kadaremaysa dedication ka iyo hamiga uu uhayay in uu barto programming ka, hadana anagoo lacagtii in nalakabixiyo naloo'ogolyahy facility walbana haysan baa waxbarshadii iyo wax akhriskii nala kusoo kari layahy

4.Taariikhda somalia:by liiqliiqato 

buugaas buug aan aad ugu dheraaday maahyn lakiin waxaan xaqiijinkara inuu yahay buug aad ufiican, oo waliba dhalanyarada qurba joogta aad u anfacaya iyo waliba kuwa dalka jooga oo aan dhulka soomaliya iyo taariikhdiisa kala aqoon

Ugu danbayn 2016 waxa uu ii ahaa sanad aad u mashquul badan, waxaan bogaadinya dhalanyartu in ay akhriyaan buugta afkoooda kuqoran oo ay cilmiga kujira ka faa'idaystaan
labo-midba waad ka faa'iidi, kow afkii oo aan kaadhumeen, labo afkii kaadhumimayo meelkasta oo aad joogto..

waxaan kusoogaba'gabeen qisoyar oo ay kudhacday sheik "Al-awadhi"

waxa uuleeyahy sheykhu"Waxaan ahaa nin wax akhriska aad ujecel inta ay xaaskayga ay kayaabtay wax akhriskayga ayuu iihibaysay meherkedii oo waxaan kusoogatay kitaabo badan oo ay kamid yhiin umuhaatul kutub iyo kukale oo badan".. marka waa muhiim in aad haysatid qof kugu saacidaynaya wax akhiska..

wabilaahi towfiiq

W/Q  Abdirahman M. Haashi

Friday, 7 July 2017

SIDEE KUDOORANKARTA MAADADA AAD JECESHAHAY

Intabadan ardayda waxa ku adkaata markii ay dhameeyaan waxbarashada heer ka sare maadada ay baranlahayeen heerka xiga ee waxbarshada khaasatan ardayda aan lahayn junior college inta aan aqoon junior college waxa weyaan ardayga markuu dhameeyo high schoolka(ilaa classka 10aad) jaamacad horey kagalimayo ee waxa uu bilaabayo junior college oo udiyaarinaya maadada uu baran lahaa jaamacada qaybta ay tahay

Ardayda aan soomarin junior college waxa ay dhib kutahay in ay doortaan maadada ay kufiicanyihiin sababta oo ah waxay ahaayen arday maadoyinka oo dhan isku qaata
ardayda guud ahaan waxaa lookalasaara Science stream iyo Arts{somalia} dalalka qaarna sedex bay kadhigaan oo ah science commerce iyo humanities/arts{sida india}
sedexdaa hadaan mid mid ukalaqaadno iyo waxyaabha la isaga baahnyahy waa sidatan

1.SCIENCE..science marka lagahdlaya waxaa soo dhexgalaya uguna caansan engineering iyo medicine.waxaa kaloo jira oo aan loo badnayn scientist {somalia markii lajoogo}
medicine baa siikalabaxaysa oo maadooyin aad dalkii loogu baahanyahy kujiraan saas oo ay tahy ay yartahay cida barata waxaa kamida Radiography{oo ah technecian saara buukaanka qalabka sawiraha ama MRI,CT SCAN, IWM}

hadaanu unimaano waxyaabaha guud ee la isaga baahnyahy ardaygu markuu science stream rabo in uu aada waxaa kow ka ah xisaab, xisaab la aanteed kuusorta galimayso science, kaliya waxaad awood u yalaneysa dhanka medicine in aad tagto. labo waxaa ah biology iyo chemistry iyo physics
qofku markuu inta sifacan ugaranayo ayaa ladhihikaraa wuu kabixi science. iyaga baa hadhowti kalahayray iyada oo ay kuxirantahy science qaybtee kasiii aadaysaa

Kasoqaad waxaarabta in aad barato medicine, waxaa khasab kugunoqonaya in aad taqaano ama kuficantahy sedex maado guud aah oo ah, Biology Physics Chemistry. sedexdaa qofku markuu kasoobixikaro ayaa ladhihikara wuxuu kabixikara medicine, waxaa siidheer in aad kuficantahy wax xifdiska sababta oo ah waxaa la isga baahanyahy xifdis aad ubadan iyo data aad ubadan in aad xasuusan kartid 

Qaybkale oo aad muhiima oo scienka soo raacda baa jirta oo aanan ahyn engineering, cafimaadna ahyn waa qaybta cusub ee aduunka kusookorotay hada waa "information technology" waxaa hoos imaanay wixii kumbuyutarad laxiriira haday tahy information tecnlogy haday network and security, waana qayb uu dalkii aad ugudanbeeyo loonabahnyahy in wax lagaqabto sababta oo ah ilaahda data base wax ladhaho dalkeeno maleh oo data dadka dhaladka kujiraan.

2.COMMERCE..commerce waa qayb aad u muhiima oo qaybteda kaciyrta bulshada waxa ay awooda saarta lacagha{Transections} iyo maaamulkeeda
qaybtaan waxa ardayga loogabahanyahy in uu aad ugu fcnyahy xisaab iyo business
waana qayb aaanu aad ugubadanahy (hadaanu nahay somali)


😄
3.Humanities/Arts..waa qayb kusaleesan afkaar,qaybtan iyo tiihoraba waxay wadaagan wax pratical ah maleh sidaad darteed somalia waxaa la iskudhaha kuli Arts lkn waxyaaba badan bay kukala duwanyihiin sida xisaab halkaan loogama baahna halka commerce loogabahnyahy xisaab


War iyo Guntii hadaad tahy arday xifdiska kufiican oo maadyinka biology iyo chemistry kufican iyagana. waxaa kugu haboon Medicine iyo waxii la halmaala {waxaa muhiim ah halkaan xusuustaada in ay aad u fcntahy sabta oo ah 10 sano kahor cudur ama cashar laguudhigay baa larba in aad kuxasuusatid inta uu bukanuhu kulafadhiyo}

waxa kuxiga commerce hadaad tahy arday kufcn transections lacagaha iyo faa'idoyinkoda iyo khasaarahoda{profit and losse} waa stream aad kugu haboon 

ugu danbeen haad tahy nin wax akhris jecel,buugaag badan akhrinkara islamrkaan ay xiisa galiso aaraada dadka kale waxaad aad kuugu haboon Humanities/Arts
qaybtaan xifdiska waa kuyaryhy fahan iyo kudhaqan baa asaas u ah

waxaas oodhan waxaa aabe u ah in aad markahore niyad iyo abiteed aad u haysid maada aad baranaysid ,waxaas oodhan waa kahor imaankarta hadaad mar go'aan aad ledahay ayna ka g'antahy waanbraya waxaan waxwalbaba  ha iguqaadate 
wasalaamu calykum

W/Q ABDIRAHMAN MOHAMED(HAASHI)
">

LAAS GEEL

Kumanaan sano kahor, bili aadankii horre(Neolithic age), waxay farshaxankooda kumuujin jirreen gidaarada dhagxaanta kasamaysan, farshaxa...